Loollanka Maraykanka iyo Shiinaha: Tartanka Qarniga 21-aad
Hordhac
Qarnigan 21-aad waxaa lagu tilmaamay "qarni tartan weyn" oo u dhexeeya laba awoodood oo dhaqaale, siyaasadeed, iyo tignoolajiyadeedba leh: Maraykanka iyo Shiinaha. Loollanka labadan quwadood ma aha mid militari oo keliya, balse waa mid taabanaya dhamaan dhinacyada nolosha: dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, ganacsiga, xulafooyinka, xagga amniga iyo xitaa saameynta ideolojiyadda dunida.
---
1. Dhaqaalaha: Cida Maamuleysa Suuqa Adduunka
Maraykanka wuxuu muddo dheer ahaa dalka ugu awoodda badan dhaqaalaha aduunka, balse Shiinaha ayaa si degdeg ah u koraya, gaar ahaan tan iyo markii uu dhaqaalihiisu furmay 1978-kii. Ilaa maanta, Shiinaha waa dhaqaalaha labaad ee ugu weyn dunida, wuxuuna la yimid qorshayaal waaweyn sida Belt and Road Initiative si uu saameyn dhaqaale ugu yeesho qaarado badan.
Maraykanka dhiniciisa wuxuu isku dayayaa inuu xakameeyo kororka dhaqaale ee Shiinaha isagoo adeegsanaya cunaqabateyn, canshuur korodhsan, iyo xayiraado ganacsi, gaar ahaan dhinaca tignoolajiyadda.
---
2. Tiknoolajiyadda: 5G, AI iyo Xogta (Data)
Mid kamid ah meelaha loollanku ugu kulul yahay waa tiknoolajiyadda. Shirkadaha Shiinaha sida Huawei iyo TikTok ayaa noqday astaan ka turjumaysa horumarka tiknoolajiyadda Shiinaha. Maraykanka wuxuu u arkaa tan khatar ku wajahan amnigiisa qaranka.
Tusaale: Maraykanka ayaa xayiraad saaray Huawei, isagoo ku eedeeyay in ay xog sir ah u gudbin karto dowladda Shiinaha. Sidoo kale, TikTok ayaa wajahaya dacwado badan gudaha Maraykanka.
---
3. Saameynta Siyaasadeed iyo Diblomaasiyadda
Labada quwadood waxay loollan adag ku leeyihiin saameynta siyaasadeed ee caalamka. Maraykanka wuxuu lahaa xulafadiisa NATO iyo dowlado badan oo reer galbeed ah, halka Shiinaha uu kobcinayo xiriirkiisa Afrika, Aasiya iyo qaaradda Laatiin Ameerika.
Diblomaasiyad cusub oo lagu magacaabo “diplomacy of investment” ayaa Shiinaha ka dhigaysa mid soo jiidasho leh, isagoo lacag badan ku bixinaya kaabeyaasha dhaqaale ee dalalka saboolka ah, halka Maraykanku uu badiyaa isticmaalo siyaasad cadaadis iyo shuruudo adag.
---
4. Xagga Amaan iyo Militariga
Maraykanka weli waa awoodda militariga ugu sareysa dunida, balse Shiinaha ayaa si degdeg ah u kobcinaya awooddiisa ciidan, gaar ahaan xagga badda iyo tiknoolajiyadda dagaalka sida diyaaradaha drones-ka iyo gantaallada casriga ah.
Xiisadda Taiwan, badda Koonfureed ee Shiinaha, iyo saldhigyada badda ee uu Shiinuhu ka samaynayo jasiirado la sameeyay ayaa ah kuwo halis gelin kara iska horimaad toos ah.
---
5. Saameynta Ideolojiyadda: Dimuqraadiyadda vs Nidaamka Kalitaliska
Maraykanka wuxuu u taagan yahay dimuqraadiyad, xoriyadda hadalka, iyo suuqa furan. Shiinaha dhankiisa wuxuu ku dhaqmaa nidaam xukun adag leh oo ay dowladdu si adag u maamusho dhaqaalaha, warbaahinta iyo bulshada.
Loollankani wuxuu noqday mid u muuqda tartan u dhexeeya laba nidaam oo kala duwan, iyadoo dalal badan oo soo koraya ay eegayaan cida ay la safan doonaan.
---
Gabagabo
Loollanka Maraykanka iyo Shiinaha ma aha mid sahlan oo go’aan degdeg ah lagu gaarayo. Waxa uu noqon karaa mid qaata tobanaan sano, saameyntiisuna ay gaadho nolosha malaayiin qof oo dunida ku kala nool. Sida uu loollankan u kobco ama u dego waxay noqon doontaa mid go'aamin doonta jihada siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee qarniga 21-aad.
Qorre Abdirahmaan Mahad (Abdirahmaan oday)





Comments
Post a Comment