Tehran iyo telaviv colaad taariikh ah
Tehran iyo Tel Aviv: Colaadd taariikhi ah oo isu beddeshay dagaal toos ah – Xaaladda Bariga Dhexe ee June 2025
W/Q: Eng. Xamse Xassan Axmed (Odey)
Colaadda u dhaxaysa Tehran iyo Tel Aviv ma aha mid cusub. Waxay ka soo bilaabantay Kacaankii Islaamiga ahaa ee Tehran sanadkii 1979, markaas oo Tehran ay ku dhawaaqday in Tel Aviv tahay cadowga ugu weyn ee Muslimiinta, xidhiidhkii diblomaasiyadeedna ay u jartay. Intaa ka dib, labada dhinac waxay galeen sanado colaado dadban ah (proxy wars), weerarro sirdoon, hub-siin kooxo hubeysan, weerarro cyber ah iyo dagaallo qabow.
Sanadihii 1980-meeyadii ilaa 2010-dii, Tehran waxay si toos ah u taageertay kooxaha ka soo horjeeda Tel Aviv sida Hizbollah, Xuutiyiinta, iyo kooxo Shiico ah oo ku sugan Syria iyo Ciraaq. Dhanka kale, Tel Aviv waxay beegsatay saldhigyada Tehran ee Syria, waxayna fulisay weerarro badan oo ka dhan ah cilmi-baadhayaal nukliyeer ah iyo xarumo muhiim ah oo ay Tehran leedahay.
Sanadkii 2020-kii, xiisaddu waxay gaadhay hir cusub. Barnaamijka nukliyeerka ee Tehran ayaa xawli ku dhaqaaqey, iyadoo heerka uranium-ka uu gaadhay meel uu u gudbey heerka farsamaynta hubka.
Tel Aviv waxay ku dhawaaqday in ay u aragto arrinkan "khatar qaran" oo toos ah. Tallaabooyinkii diblomaasiyadeed ee la doonayay in lagu xalliyo murankaas ayaa burburay, iyadoo Tehran iyo Tel Aviv ay marba marka ka dambeysa u sii siqayeen colaad toos ah.
13-kii Juun 2025, Tel Aviv waxay qaaday weerar cirka ah oo ballaadhan oo ay ku magacaabeen Operation Rising Lion (Hawlgalki Libaxi Soo Kacey), kaasoo lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Tehran, sida xarumaha nukliyeerka ee Natanz iyo Isfahan, warshadaha gantaallada, saldhigyada ciidamada cirka, iyo xarumo cilmi-baadhis oo hoos yimaada IRGC. In ka badan 200 diyaaradood dagaal ayaa duqeeyay ku dhawaad 100 bartilmaameed. Weerarkan wuxuu sababay burbur weyn, dhimasho iyo dhaawac.
Fiidkii isla maalintaas, Tehran waxay si toos ah uga jawaabtay weerarkaas iyadoo fulisay hawlgal loogu magac daray Operation True Promise 3 (Hawlgelki Balanqaadka Dhabta ah 3), kaasoo lagu garaacay Tel Aviv in ka badan 150 gantaal ballistik ah iyo dronooyin qarxa. Magaalooyinka Tel Aviv, Haifa iyo Jerusalem ayaa si toos ah loo weeraray, waxaana la xaqiijiyay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca afartan kale. Tehran waxay sheegtay in weerarkan yahay aargoosi iyo digniin culus.
14-kii Juun, dagaalku wuu sii laba kacleeyay. Tel Aviv waxay sii wadday duqeymo kale oo cirka ah, iyadoo ku garaacday bartilmaameedyo cusub oo ku yaal Tehran, Mashhad iyo saldhigyo ciidan oo badan. Dhinaca kale, Tehran waxay sii wadday gantaal rididda, waxayna ku dhawaaqday xaalad dagaal buuxa.
Khasaaraha la xaqiijiyay wuxuu muujinayaa dhimashada in ka badan 78 qof gudaha Tehran, halka Tel Aviv ay sheegtay saddex qof oo rayid ah oo dhintay iyo in ka badan 22 dhaawac ah. Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Bariga Dhexe ayaa istaagay, suuqyada caalamka ayaa gilgishay, qiimaha shidaalkana si xowli ah ayuu u kacay. Cabsida ugu weyn waxay noqotay in dagaalkan uu u gudbo xuduudaha labada dhinac oo uu isu beddelo dagaal goboleed ballaadhan.
Waxaa la filan karaa in kooxaha ay Tehran taageerto sida Hizbollah iyo Xuutiyiintu ay si toos ah dagaalka uga qaybqaataan, taas oo sii hurinaysa colaadda. Beesha caalamka, oo ay hormuud u yihiin Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ruushka, iyo dalalka Carabta, waxay bilaabeen baaqyo degdeg ah oo xabbad-joojin ah, iyadoo la saadaalinayo in haddii aan xal degdeg ah la helin, Bariga Dhexe uu galo dagaalkii ugu xumaa tan iyo dagaalkii Ciraaq-Tehran ama dagaalkii Yom Kippur.
Dagaalkan wuxuu si buuxda u muujinayaa in tobannaan sano oo colaad fikireed, tartan awoodeed, iyo khilaaf istiraatiji ah ay isu beddeli karto dagaal dhiig ku daato oo toos ah.


Comments
Post a Comment